Deg Deg: Qarax Xoogan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta Qarax xoogan ayaa goor dhow waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay meel ku dhow Xarunta degmada Shangaani ee Gobolka.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxa loo adeegsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa isku gadaamay aaga uu Qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidanka dowladda Federaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, isla markaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daawo Qaabkii Loo Caleema Saaray Madaxwynaha Dalka Jabuuti Oo Markii Shanaad Dib Loo Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

Hoggaamiyihii Ugu Horeeyey Ee Dal Carbeed Oo La Kulan La Qaadanaya Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Joe Biden

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Magacaaban Ee Somaliya Oo Bilaabay Kulamo Kala Duwan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More