Maamulka Gobolka Banaadir Oo Fariin U Diray Shacabka Magaalada Muqdisho

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.

Sidoo kale inay ka Shaqeeyaan dib u soo celinta bilicdii Caasimadda si wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida; Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha Muhiimka ah.

Shacabka Gobolka Banadir ayaa waxaa ay yihiin kuwa ugu badan ee Canshuurta siiya Dowladda gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir, hayeeshee taasi bedelkeeda aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Farxaan Oo Soo Bandhigay Qaabka Madaxda Loogu Nasteexeeyo Waxna Loogu Sheego

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaali Dil İyo Dhaawac Loogu Geystay Gudaha Dalka Canada

Bnnstaff Bnnstaff

“Dawladda Dhexe Magaalada Hargeysa Waxay Ku Haysaa Dulmi” Siyaasi Jaamac Shabeel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More