Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Fariin U Diray Laamaha Amaanka Ee Dowlada Somaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Sheekh Shariif ayaa umadda Soomaaliyeed la wadaagay murugada iyo tacsida dhalinyaradii qaraxa lagu dilay, isagoona tacsi u diray dhammaan qoysaska dhalinyaradii ku geeriyootay qaraxa oo lala beegsaday Maqaayad laga shaax cabo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qaraxaas ku tilmaamay inuu ahaa musiibo, waxaana dadka ku dhaawacmay oo gaarayay 5 qof uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad.
“Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhammaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u ahayd dalka ee naftii haliga qariban oo Shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Shariifka.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay waqtigooda galiyaa ka hortagga weerarada ka dhacaya Caasimadda dalka ee Muqdisho oo ay iska diidaan in Siyaasad lagu mashquuliyo.

Taliska Booliska dowladda ayaa xalay xaqiijiyay in 6 qof oo 4 kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro siweyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir ay ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay degmada Shangaani, halka 4 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Pakistan Iyo Xisbigiisa Oo Bilaabay Qorshe Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda Amniga Ee Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiyada Mucaaradka Ahi Ha Ka Fiirsadaan Hadalada Ay Sheegayaan” Wasiir Ku Xigeenka Cadalada Oo Si Adag Ula Hadlay Mucaaridka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More