Soomaali Dil İyo Dhaawac Loogu Geystay Gudaha Dalka Canada

Koox ku hubeysnaa bustoolado ayaa Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku nool dalkaas halka mid kale ay dhaawaceen, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah ehelkiisa.

 

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Haabiil, rasaas lagu furay, xilli isaga iyo qof kale oo la socday oo dhaawacmay ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett, iyagoo watay gaari.

Sida booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir.

Gaariga ay wateen iyo laba bastoolad ayay boolisku sheegeen inay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay uga carareen gaarigii ay wateen.

Dalka Canada o ay Soomaali farabadna ku nooshahay ayaa waxaa dhowr jeer lagu dilay Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana la sheegay n dilalkaas ay ku lug leeyhiin dhalinyaro kale oo Soomaali ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Dalka Oo Maanta Bilaabaneysa

” Hadalka Suldaan Cadde Gudde Muu Aheyn Hadal Dhaqan ” Siyaasi Cabdiqaadircali Obsiiye

Bnnstaff Bnnstaff

” Maalintu AHN Cigaal Geeriyooday Waxaa Laygu Yidhi 3 Sanno Qaado Oo Doorashada Jooji.” Daahir Riyaale

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More