Madaxwayne Qoor Qoor Oo Safar Deg Deg Ugu Baxaya Dhuusamareeb İyo Sobobta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in Maanta uu safar deg deg ah ku tago Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgalgaduud.

Qoor Qoor oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa safarkiisa deg dega ah waxaa uu ku saleysan yahay sidii uu ku heli lahaa muddo kale oo uu kusii joogi karo Muqdisho maadaama mudada 45 cisho ee Dastuurka Galmudug dhigaya in aanu Madaxweynaha ka maqnaan karin deegaanka ay ka dhamaatay.

 

Shalay gelinkii dambe ayaa qorshuhu ahaa in Madaxweynaha uu tago Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee uu dib uga dhacay safarkiisa, waxaana la filayaa in uu Maanta halkaasi tago dibna uu uga soo laabta Gelinka dambe ee Maanta ama Maalinta berto ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Magaalada Muqdisho ku sugnaa muddo 45 Cisho ah, isaga oo ka qeyb galayay shirar looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka iyo dadaalada la xiriira xal ka gaarista muranka doorashada.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Raisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Si Qarsoodi Ah U Guursaday

Mustafehaji

Xaalada Magaalada Muqdisho Oo Caawa Kacsan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Muuse Biixi Ku Dhaliilay Kor U Kac Ku Yimid Qiimaha Maciishada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More