Wargeyska Charlie Hebdo Ee Sameeyey Sawir Gacmeed Loogu Gafay Nebi Maxamed (NNKH) Oo La Weeraray

Warbaahinta Faransiiska waxay sheegeen shaqsiga looga shakiyey weerarkan inuu laba qof dhaawac culus uu u geystay iyada oo weerarkaasi lagu tilmaamay mid ula kac ah oo lagu beegsanayey xafiiski hore ee wargeyska Charlie Hebdo ee sawir gacmeedka loogu gafay Nabi Maxammed (NNKH) sameeyey.

Ninka weerarka geystay oo ay da’diisu tahay 18 jir wuxuu u dhashay Pakistan iyada oo weerarka uu ninkaasi qaaday lalal xiriiriyey sawir gacmeed uu wargeyska uu ka sameeyey Nabi Maxammed (NNKH) oo markale dib loo daabacay.

Wargeyska qaabka maadeysiga wax u qora ee kasoo baxa Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), tallaabadaas oo sanadkii 2015-kii u horseeday in lagu qaado weerar dhimasho badan geystay.

Waxaana weerarkaas lagu dilay 12 qof oo ay kamid yihiin farshaxamiistayaal caan ah, waxaana sidoo kale maalmo kaddib Paris ka dhacay weerar kale oo ay ku dhinteen 5 qof.

Wixi intaa ka dambeeyey wargeyska wuxuu u wareegay xafiis qarsoodi ah.

Dhisma ku yaalla degmada 11-aad ee caasimadda Faransiiska ee Paris oo horay xafiis uu ku lahaa wargeyska Charlie Hebdo hadda wuxuu xafiiski wargeyskaku wareegay Telefishiin maxalli ah.

Ila wareedyo ku dhawdhaw kooxaha baaritaanka wada oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay waxay sheegeen, shaqsigan weerarka geystay inuu u haystay xafiiska wargeyska inuu weli halkiisi yahay.

Balse labada qof uu weerarkaasi dhaawaca ka soo gaaray magacdooda lama sheegin hase yeeshee waxay boolisku sheegeen iney kala yihiin qof rag ah iyo qof dumar ah oo ka shaqeynayey xafiiska Telefishiinka.

Ra’isal wasaare Jean Castex wuxuu warbaahinta uu u sheegay labada qof uu weerarkaasi dhaawaca ka soo gaaray iney naftooda halis ku jirin.

Shaqsiga weerarkan looga shakiyey muxuu sheegay?
Ninka looga shakiyey falkan oo Jimcihi lagu qabtay meel aan ka fogeyn goobta uu weerarka ka dhacay ayaa qirtay inuu weerarkaasi isagu geystay, wakaaladda wararka ee AFP waxay intaasi ku dartay inuu weerarkaasi inuu ahaa mid looga falcelinayo dib u soo daabacidda wargeyska sawir gacmeedka uu ugu gafay Nabi Maxamed (NNKH).

Shaqsiga weerarkan looga shakiyey oo aan magaciisa la shaacin haddana wasiirka arimaha gudha Faransiiska Gerald Darmanin wuxuu sheegay ninkan dhalinyarada ah inuu dalka Faransiiska uu yimid seddex sana ka hor isaga oo u dhashay dalka Pakistan.
Siddeed qof oo kale oo arrintan lala xiriiriyey ayey boolisku gacanta ku hayaan oo uu ka mid yahay nin ay wada dagganaayeen ninka weerarka looga shakisan yahay.

Ila wareedyo garsoorka ka tirsan oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegeen 33 jir u dhashay daka Algeria oo ay boolisku Jimcihi qabteen in la sii daayey kaddib marki lagu waayey caddeymo muujinaya inuu weerarki dhacay wax lug ah ku lahaa.

Mr Darmanin wuxuu sheegay inuu amar ku bixiyey in ammaanka magaalada Paris aad loo adkeeyo xuska sanadlaha ee ay bulshada Yahuuddau udabbaldagaan ee Yam Kippur.
Halkey mareysaa maxkamadeynti 14 eedaysane?
Afar iyo toban qof ayaa dalka Faransiika maxkamad loogu soo taagay weerarkii lagu hoobtay ee majallada Charlie Hebdo lagu qaaday shan sano iyo dheeraad ka hor. Wargeyskaas ayaa sameyn jiray sawirgacmeedyo uu ku sheegay Nabi Maxamed (NNKH).

Eedaysanayaasha badankooda waxa maxkamadda lagu soo taagay magaalada Paris, laakiin saddex eedaysane ayaa iyaga oo maqan dacwadda lagu qaadayaa.

Waxaana xubnahaasi lagu soo oogay dacwad ah in ay gacan siiyeen mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee 12 qof toogashada ku dilay ee weerarka ku qaaday xafiiska Charlie Hebdo iyo agagaarkiisa bishii, Jeeniweri 2015.
Nin dabley ah oo saddexaad ayaa gabadh boolis ahayd toogasho ku dilay waxaanu weeraray tukaan Yuhuud leedahay.

Wadar ahaan 17 qof ayaa lagu dilay muddo saddex maalmood gudahood ahayd. Dilalkaas ayaa bilow u ahaa weerarro xidhiidh ahaa oo jihaad aloosku ku qaadeen Faransiiska gudihiisa ayna ku dhinteen in ka badan 250 qof.

Maalmihii weeraradaa ka dambeeyey, ayaa malaayiin qof iskugu soo baxeen wadooyinka Faransiiska iyo dunida iyaga oo ku dhawaaqayey hal ku dhegga ah “Je suis Charlie” (Charlie baan ahay).

Majalladu ayaa dacwadaa dib u bilaabmaysa ku muunaynaysaa in ay dib u baahiso sawiradii muranka dhaliyey ee lagu sheegay Nebi Muxammed (NNKH) ee mudaharaadada ka dhaliyey dhawr dal oo Muslin ah.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa difaacay xorriyada hadalka ee warbaahinta iyo ta dadka Faransiiska ee ah “xorriyada ah in la dambaabo taas oo ah arrin xidhiidh la leh xorriyadda damiirka”.

Dacwadda kaddib maxaa la filayaa?
Afar iyo tobanka qof waxay ku eedaysanyihiin in ay gacan ka gaysteen diyaarinta iyo qorshaynka dilalkaas. Dacwadoodu waxay bilaabmaysaa Arbacada ka dib markii dhegaysiga dib loo dhigay, qiyaastii afar bilood oo sabab u ah safmarka fayraska korona.

Bishii Maarij, wuxuu garsooraha dacwadaa u xilsaaran sheegay in xayiraadii Faransiiska lagu soo rogay ay suuro gelin wayday in ay isku yimaadaan “dhamaan dhinacyada ay khusayso dacwadu, markhaatiyada iyo khubarada maadaama oo ay jiraan duruufo cafiimaad”.
Dadkan ku eedaysan in ay gacan ku lahaayeen dilalkaas waxa lagu soo oogay in ay haysteen hub iyo sidoo kale in ay taageero tas-hiilaad ah siiyeen ciddii weerarka ku qaaday xafiiska Charlie Hebdo, bilowgii sannadkii 2015, iyo sidoo kale weerarkii kaa xigay ee lagu qaaday askariyada booliska ah iyo tukaanka Hyper Cacher.

Laakiin saddex eedaysane ayaa la rumaysanyahay in ay u baxsadeen woqooyiga Suuriya iyo Ciraaq oo iyaga oo maqan ayaa dacwadda lagu oogayaa.

Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in saddexdaa nin markii dambe lagu dilay duqayntii lagu hayey kooxda la baxday Dawladda Islaamka laakiin lama xaqiijin.

Waxa dhegaysiga dacwadda ka qayb galaya qiyaastii 200 oo qof oo dhibbanayaal ah iyo dad ka badbaaday weerarkaa oo maxkamada ka hor marag furi doona, sidaana waxa sheegtay idaacadda Faransiiska ee RFI.
Isniintii ayaa dacwad oogaha eedaha aragagixisonimada, Jean-Francois Ricard wuxuu ganafka ku dhuftay hadal hayn ah in kuwii “taageerada yar bixiyey” caddaaladda la hor keenay.

“Arintu waxay khusaysaa shakhsiyaadkii gacanta ka geystay tas-hiilaadkii iyo diyaarintii dhacdadaa. Waa kuwii taageerada maaliyadeed, agabka hawlgalka, hubka iyo hoygaba siiyey” ayuu yidhi isaga oo la hadlaya idaacadda France Info, “dhamaan arimahaasi waa falal argagixisonimo”.

Waxaa la filayaa in ay dacwaddu socoto ilaa bisha Nofember.

Maxaa dhacay 2015?
Todobadii bishii Jeeniweri ee sannadkaa 2015, ayaa laba nin oo dabely Muslimiin Faransiis ah oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Cherif iyo Sacid Kouachi, waxay u xoog ku galeen xafiiska Charlie Hebdo ee ku yaal Rue Nocola-Appert, ka dibna tacsiisharad ku furay shaqaalihii.

Tifaftirihii majallada ee waagaa, Stephane Charbonnier, oo ku magac dheeraa Charb ayaa ka mid ahaa afart qof ee ku caanka ahaa farshaxanka sawir gacmeedka oo dhamaantoood ku jiray dadkii la dilay.

Dableyda waxa kama dambaystii dilay ciidamada nabad gelyada muddo ay is baacsanayeen ka dib. Dadkii ay iyagu laayeen waxa ka mid ahaa sideed weriye, laba askari oo boolis ah, waashmaan iyo qof xafiiska soo booqday.

Weerar kaa xidhiidh la lahaa oo dhacay maalmo ka dib, ayaa nin jihaad aloos ah oo la yidhaa Amedy Coulibaly wuxuu saddex qof oo dadkii macmiilka ahaa ka mid ah iyo qof shaqaale ah ku af-duubtay dukaanka ay Yuhuuddu leeyihiin ee Hyper Cacher oo ku yaal Porte de Vincennes ee magaalada Paris.

Intaanu tukaanka gelin wuxuu markii hore qudha magaalada kaga jaray haweenay askariyad boolis ahayd.

Xoogagga nabadgelyada ayaa kama dambaystii u daatay tukaanka oo dilay ka dibna soo daayey dadkii uu haystay.

Maxaa Charlie Hebdo loo beegsaday?
Majallada xag jirka ah ee todobaadlaha ah waxa aad loogu yaqaanaa in ay dhaliisho maamulka iyo diinta waxaanay muddo dheer abuuri jirtay muran.

Sawir gacmeeyada laga sameeyey Nebi Muxammad (NNKH), ayaa sababay in loo soo diro Charb fariimo hanjabaad dil ah, in kasta oo ilaalo boolis ah oo 24 saacadood ah la siiyey intaan la dilin. Waxa sidoo kale lagu qaaday xafiiska majallada weerar bam baatrool ah sannadkii 2011.

Majallada ayaa sidoo kale loo arkayey in ay ilays u tahay xorriyadda hadalka maadaama dad badan oo difaacayey ay adeegsadeen hashtag-ga #JeSuisCharlie si ay u difaacaan.
Charb wuxuu aad u difaacay sawir gacmeedyada laga sameeyey Nebi Muxamed oo uu ku sheegay in ay astaan u yihiin xorriyadda hadalka: “kula yaabi maayo Muslimiinta in ay ku qoslaan sawirradayada,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press sannadkii 2012. “Waxaan ku hoos noolahay sharciga Faransiiska, kuma hoos nooli sharciga Quraanka”.

Salaadadii ayay majalladu waxay mar kale daabacday sawir gacmeedyadii 2015-kii lagu beegsaday. “Had iyo goor waanu iska daynayeyn in aanu baahino sababtuna ma ahayn in la mamnuucay laakiin waxay ahayd in aanaan markaa haynin sabab maan gal ah oo aanu sidaa u yeelno,” ayaa faallo majalladu qortay ay ku tidhi.

Waxaanay intaa ku dartay “in sawir gacmeedyadaa dib loo baahiyo todobaadkan marka ay bilaabmayso dacwaadda weerarradii aragagixiso ee Jeeniweri 2015 muhiim ayay noola muuqatay”.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

TPLF Oo Ciidamada Dowladda Eriteria Ku Eedeeysay Inay Weerar Ku Soo Qaadeen

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Markii Ugu Horraysay War Kasoo Saaray Xaaladda Caafimaad Ee Vladimir Putin

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Weyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More