War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay degmada Awdheegle ee Goblka Shabeellaha Hooser k u dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Ganeey ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Warbaahinta, waxaana dowladda ay sheegtay in uu kamid ahaa Xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday degmada Awdheegle.
Sidoo kale warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Xuseen Ganeey Xubno la socday oo gaarayay 15 xubood ay dhaawacmeen, halka qaarkood ay dhaawacyadii gaaray u geeriyoodeen.
Al-Shabaab weli wax War ah kama soo saarin warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in Ciidamada dowladda ay dileen hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com