Maamulka Puntland Oo Dowlada Somaliya Ku Wareejiyay Maxaabiis Iyo Sobobta

Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa dowladda Seychelles kala hadlay rag ku xukman burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cawil Sheekh ayaa waxaa uu ku sheegay in Seychelles ay ka ogolaatay in Maxaabiista ku xukuman burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga Garoowe loo wareejiyo Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Deni uu amar ku siiyay in Seychelles uu kala hadlo sidii maxaabiista oo tiro ahaan gaareysa 15 maxbuus loogu wareejin lahaa Muqdisho.

“Madaxweyne Deni ayaa amar igu siiyey inaan la xiriiro dawladda Seychelles, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda aana kala hadlo sidii maxaabiista burcad-badeednimo ku xukman Xamar loogu wareejin lahaa. Waxaa war wanaagsan ah in dawladda Seychelles soo ogolaatay in maxaabiistaas oo tiradoodu dhantahay 15 maxbuus loo wareejiyo Xamar” ayuu yiri Wasiir Xaamid.

Maxaabistan ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe, kuna xukuman burcad-badeednimo ayaa kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxaana Puntland ay ku wareejin doontaa mas’uuliyiin ka tiran Galmudug oo ku sugan Magaalada Garoowe.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland La Kulmay Wax-Garadka Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Sobobay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Afghanistan Ee Kabul

Bnnstaff Bnnstaff

Nuxurka Qudbadii Madaxwayne Muuse Biixi Ee Uu Ka Jeediyay Daahfurka Aaga Cashuuraha Ka Caagan Ee Berbera

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More