Dagaal ka bilaawday degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa degaano ku yaal Galbeedka Gobolka Siti waxaa uu ku dhex-marayaa Ciidamada gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Maleeshiyaad ka tirsan Canfarta.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Jabhad ka tirsan maleeshiyaadka canfarta ay weerar ku qaadeen degaano ku yal Galbeedka Gobolka Siti, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen dagaalka 5 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaalamaya.

Saddex Maalin ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa degaano ku yaal Galbeedka Gobolka Siti ay ku dagaalameen Ciidamada dowlad degaanka oo garab siinaya dad Shacab ah iyo maleeshiyaad Canfarta ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Shaacisay In Ay Dhisayso Deked Ugaar Ah Dhoofinta Xoolaha

Bnnstaff Bnnstaff

Beelwaynta Xeebjire Oo Shaacisay Murashaxiinta Ku Meteli Doona Doorashada Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Afar Sano Ka Hor Hadaan Muuse Biixi Amaanayay Maanta Ciro Ayaan Amaanayaa” Cabdilaahi Cukuse

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More