Shirkii Maanta Ee Afisiyooni Oo Dib u Dhacay Iyo Sababta Keentay Dib U Dhaca Oo La Shaaciyay

Waxaa dib u dhac uu ku ymid Shirkii Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee la filayay in uu maanta dib uga bilaawdo Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo sabtidii todbaadkaan ka bilaawday Afisiyooni ayaa socday muddo laba maalin ah, iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin, waxaana shalay ay Madaxda gashay nasasho & inay wadatashi dib ugu laabtaan saaxiibadooda kale.

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in uu shirka dib uga bilaawdo Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in shirka uu Maanta dib u dhacay, isla markaana Maalinta berito ah la isu imaan doono.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in sababaha uu dib ugu dhacay Shirka ay tahay in Magaalada Muqdisho uu ka maqan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo in Madaxda Maalin kale oo nasasho ah ay qaadanayaan.

Shirka Afisiyooni oo ay qaban qaabadeeda leeyihiin Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa uu horudhac u yahay shirweynaha wadatashiga doorashooyinka e Ia filayo in uu dhawaan ka furmo Magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qarax Ka Dhacay Hoteelka Xayaati Ee Ay Alshabaab Weerareen

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Baaq U Diray Maamul Goboleedyada

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasiyiinta Mucaaridka Somaliland Ee Mudaharaadka Lagu Xidhan Oo Saaka Maxkamad La Horkeenay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More