Xaalada Deg Deg Ah Oo Lagaga Dhawaaqay Gobolka Daafur Ee Galbeeda Sudan

Dowladda Suudaan ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqday galbeedka gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka kumanaan kale ay ka barakaceen.

Isnintii, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay dagaalka halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen kadib uu dagaal dhexmaray labo qowmiyadood oo degan magaalada El Geneina.

Dhawaaqa rasaasta ayaa galabnimadii shaley aheyd laga maqlayay deegaanada u dhaw magaalada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey waxay intaas ku dartay in xiisad ay weli ka taagan tahay magaalada xilli labada dhinac ay ciidan uruursi sameynayaan.

Waxaana hakad galay howlaha gargaarka isla markaana waxaa la hakiyay diyaaridihii gargaarka geyn jiray halkaas tan iyo inta amniga deegaanka laga xaqiijinayo.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ilhan Cumar Oo Madaxwayne Biden Ku Cadaadinaysa In Uu Cuno-Qabataynta Laga Qaado Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwayne Deni Oo Sheegay In Midawga Murashaxiinta Uu Ka Soo Xidhmay Albaabkii Doorashadu Ka Soo Xidhmay

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Tahay Sababta Ay Ahlu-Sunna U Diideen In Ay Wada Hadal La Furaan Maamulka Galmudug?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More