Dowlada Somaliya Oo Maanta Gubisay Heshiisyo Caalami Ah Iyo Nuucyada Heshiisyadaasi

Munaasabad ka dhacday maanta Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.

Wasiir Duraan ayaa waxaa sheegay in hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO ay u gudbiyeen toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha, taasina ay tahay mid taariikhi ah, maadaama DFS hormuud ka noqotay toddobo heshiis.

“Waa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaal badan ayaan galinay,waana tallabo ka marqaati kacaysa sida ay nooga go’antahay xaquuqda iyo horumarinta Shaqaalaha.”
Heshiisyadan maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta, la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.

“Waa wax cajiib ah in Soomaaliya ay ansaxisay toddobo heshiis ee ILO.” ayuu yiri agaasimaha guud ee Hay’adda ILO, Guy Ryder “ Tallaabadan waxay muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’antahay horumarinta nabadda iyo soo kabashada adkeysiga leh iyada oo loo marayo shaqo hufan.” ayuu raaciyay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO,kuwaa oo muhiimad u leh ma’baadiida aasaasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maydadka Labo Qof Oo Laga Helay Duleedka Magalada Jowhar.

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Soo Saaray Fariin Ku Socota Dowladda Somalia Iyo Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Si Adag Uga Hadashay Hub Ay Sheegtay In La Soo Galinayay Gudaha Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More