Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiinta Deegaanada Jubaland Oo Dacwada Ka Gudbiyay Axmed Madoobe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Beelaha dagga degaannada Jubaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda DowladMaamulkaas.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda ay u soo gudbiyee Wasiirka cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland.

Sidoo kale Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha & Siyaasiyiinta ay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.

Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ka dhageeystay cabashooyinka ay soo gudbiyeeyn odayaasha beelaha dagga deegaannada Jubaland iyo siyaasiin ku wehliyay kulanka ay la qaateeyn Wasiirka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Madaxda muddo xileedkooda uu dhamaaday iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Gabilay Oo 7 Cisho Oo Rumaan Ah U Jartay Masuuliyiin Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq

Bnnstaff Bnnstaff

Mid Ka Mid Ah Beelaha Dega Hargeysa Oo Ku Dhawaaqday Shir Beeleed Ay Qabsanayso

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Dowlada Fadaraalka Somaliya Ku Wareejisay Maxaabiis Mudo Ku Xidhnaa Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More