Sacuudiga Oo Iska Fogeeyay Ku Lug Lahaanshaha Isku Day Afgembi Oo Lala Damacsanaa Boqortooyada Urdun

Saraakiisha dalka Sacuudiga ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray warar sheegayay in ay ku door ku leeyihiin isku day afgembi oo la sheegay in uu ka dhan ahaa boqortooyada Urdun.

Sabtidii dhaxal sugihii hore ee Urdun Xamzah ayaa xabsi guri laga dhigay waxaana lagu eedeeyay in uu minja-xaabinayo amniga qaranka.
Arrintan ayaa timid ka dib markii uu Xamza ka qeyb galay kulan ay lahaayen mid ka mid ah beelaha daga Urudun kaasi oo si cad loogu cambaareeyay boqor Cabdalla.

Xamzah ayaa ka dib soo saaray 2 muuqaal oo uu BBC la wadaagay isaga oo dowladda dalkiisa ku eedeeyay musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan.

Waxaa muuqaaladaasi ku sheegay in dadka ay ka baqayaan inay arrintan ka hadlaan iyaga ka baqaya in ay dhibaateeyaan ciidamada ammaanka. Tan iyo wixii ka dambeeyay muuqaalka uu soo saaray xaaladda ayaa la dajiyay ka dib dhexdhexaadin uu gar wadeen ka ahaa boqorka adeerkii.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Oo Kenya Oo sheegtay in 4 Milyan Oo Shacabkeeda Ka Mid Ahi Ay Macaluul U Dhimanayaan

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Xasaaiya Oo Ku Saabsan Kufsi Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Ee Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Maxamed Adan Garawle Oo Qaadacay Xil Looga Soo Magacaabay xisbiga Wadani Kana Soo Horjeestay Mudaharaadka Uu Ku Baaqay Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More