Wafti Ka Socda Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo U Ambabaxay Gobolka Gado Iyo Ujeedada Wafrigaasi

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhow u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Maxamed Oomaar ayaa waxaa kamid ah xubno kala duwan oo ka tirsan Wasaraadda Gaadiidka iyo Mas’uuliyiin kamid ah Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka.
Ujeedka Wasiir Oomaar ee Garbahaarey ayaa waxaa uu yahay dhagax dhigista Garoon diyaaradeed oo ay yeelato Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka, maadaama halkaas sanado badan aysan laheyn Garoon.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka degmada iy xubno kamid ah qeybaha Bulshada.

Dadka deegaanka Garbaraaheey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in dhowr sano kahor ay isku dayeen inay isxilqaan ku dhistaan Garoon diyaaradeed, balse caqabado ka hor yimid ay hakad u geliyeen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muuse Biixi Oo Eedaymo U Jeediyay Haayadaha Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Wasaarada Waxbashada Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Ardayda Wax Ka Barata Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Oo Kulan Ka Yeeshay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More