Shil Gaadhi Oo Sobobay Dhimasho Iyo Dhaawac Tiro Badan Oo Ka Dhacay Kenya Iyo Tirada Dadka Dhintay

Shilka Gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay inta u dhexeysa wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Bas weyn oo ka yimid Magalada Mombsa kuna sii jeeday Magalada gaarisa iyo mid yar oo kusii jeeday Magalada Mombasa kana yimid deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.

Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay 20 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magalada gaarisa, waxaa sidoo kale burbur xoogan uu gaaray Gawaaridii shilka gashay.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa xaqiijiyay shilkaas, waxaana uu sheegay in dadka dhintay ay ku jiran labadii Daarawal ee Basaska waday.

Waxaa intaas uu ku daray in dhowr shaqaale dowladeed ah oo katirsan dowlad deegaanka Kilifi ay shilka ku dhinteen, isla markaana ay wadaan baritaano la xiriira sababihii keenay inay labada Bas isku dhacaan.

Wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Shilal Gaari oo geystay khasaaro kala duwan, iyada oo booliska Kenya ay baritaan ku hayaan sababihii ka dambeeyay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Uganda Oo Ciidamo Badan Kala Baxday Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaano Sheegay In Weerar Lagu Qaadayo Taliye Hore Ee Saadaq Joon

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Jubaland Oo Shaaciyay Mawqifkiisa Ku Aadan Heshiiskii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More