Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane, oo , ayaa la saxiixday hishiis talaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.
Talaalkan looga hortagayo Karoonaha ayaa waxa uu gaaraya 200 kun oo talaal oo dhawaan la keeni doono dalka Soomaaliya
Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda aan saaxiibada nahay ee Shiinaha ay dalkeena ugu deeqday.
Safiirka ayaa uga mahadnaqay dowladda shiinaha sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo si gaarana uga mahadceliyay talaalka ay Soomaaliya ugu deeqeen.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com