Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Lagu Amray In Ayna Muqdisho Bixi Karin

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta UN-ka ee Xalane.

Shirka oo ku soo aaday saacado kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni, waxaana warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ay eedda saareen Jubbaland iyo Puntland.
Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadoda ugu laabtaan, balse xubnaha Beesha Calamka ayaa diideen dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu wargeliyay cidii shirka ka baxda loo aqoonsan doono qaswade.

Dhanka kale wakiilada beesha caalamka ayaa la filayaa inay maanta arkaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayna kala hadlaan arrimaha taagan ee la xariira fashilkii ku yimid hsirkii Afisyooni.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Roobe Oo Si Adag U Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Gaalkacyo

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Jara Wararka Sheegaya In Khilaafka Ka Dhex Jiro Muuse Biixi Maxamed Kaahin

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Ka Dhex Aloosan Dalalka Sudan Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More