Maraykanka Oo Dib U Bilaabmay Kaalmadii Uu Siin Jiray Falastiin

Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd sheegtay inay dib u biilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jirta taageero bini’aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go’ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin.
Inta badan dhaqaalahan ayaa Mareykanku marsiin doonaa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Hey’adda USIAD ayaa iyana sidoo kale maamuli doonta 10 milyan oo dollar oo lagu kobcinayo barnaamijyada nabadda iyo amniga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Iska Hor Imaadyo Ka Dhacay Xuduuda Dalalka Sudaan Iyo Itoobiya Iyo Maraykanka Oo Itoobiya Ka Dalbatay In Gobolka Tigreyga Ciidamada Laga Saaro

Bnnstaff Bnnstaff

Iiraan Oo Wacad Ku Martay Inay U Aari Doonto Khabiirkoodii Niyukleerka Ee La Dilay

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Sheegay In Uu Heshiisiinayo Alshabaab Iyo Dowlada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More