Meydka Laba Carruur Ah Oo Uu Dhalay Xildhibaan Hore Oo Laga Helay Duleedka Baydhabo

Labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo kamid ahaan jiray Baarlamaankii Sagaalaad ayaa meydkooda waxaa saaka laga helay duleedka Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Labada Carruurta ah oo kala ah gabar iyo Wiil ayaa shalay loo diray Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen, balse la waayay ilaa xalay, iyada oo saaka laga helay duleedka magalada Baydhabo meydkooda, iyaga oo kiliyaha iyo beerka lagala baxay.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Baydhabo oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay sida Carruurta lagu waayay iyo falka loo geystay oo aan la ogeyn dadka ka dambeeyay.

“ Walaalayaal waxaan aad uga naxay geerida lama filaanka ah ee caruurta yar ee walaalaha ah, Arbacadii shalay waxay Aadeen Dugsi Qur’aan kadib waa lawaayay, waxaa la sheegayaa in saaka aroortii hore ayagoo meyd ah laga heley hareeraha magaalada, waxaana la sheegey in qayb jirkooda kamid ah (kiliyaha/beerka) ay maqan yihiin ayuu yiri” Qof ku sugan magaalada Baydhabo.

Waa dhacdo ku Cusub Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyada la soo sheegayo in laamaha Ammaanka Magaalada Baydhabo ay bilaabeen howlgallo baaritano ah oo la xiriira sidii lagu heli lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Labadii Murashax Ee Xisbiga Ucid Ee Xabsiga Mandheera Ku Xidhaa Oo La Sii Daayay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamulka Puntland Oo Amar Dul Dhigay Ganacsatada Gobolka Bari

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Kaga Baxaya Somaliya Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More