Puntland Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Goobaha Waxbarashada Iyo Isku Imaatinka Bulshada

Guddiga COVID-19 ee Puntland ayaa si ku meelgaar ah u hakiyey Dhammaan Howlaha Waxbarashada ee ka socda Goobaha Dugsiyada aas-aasiga ah , Macaahidda iyo Jaamacadaha , waxaa Waxbarashada lagu sii wadi doona Barnaamijka fogaan aragga .

Dadweynaha reer Puntland waxaa la faray inaysan isugu imaan karin Goobaha cilaajka iyo madalaha dadweynuhu isugu yimaadaan,si looga feejignaado halista Cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyey.
Guddiga COVID-19 ee Puntland, iyagoo ka duulaya Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxaa Mas’uuliyiinta masaajida la faray in xiliyada salaadaha laysu jirsado masaafo dhan 2-mitir ,iyadoo la soo gaabinayo salaadaha Taraawiixda iyo Jimcaha .

Ugu dambayna waxaa uu Guddigu shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland ugu baaqeen qaadashada Tallaalka si halista Cudurka u yaraado .

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Hindiya Oo Burburisay Guryaha Muslimiintii Ka Mudaharaaday Aflagaadadii Loo Gaystay Nabi Maxamed (NNKH)

Bnnstaff Bnnstaff

Amnesty International Oo Eritrea Ku Eedaysay Inay Xasuuq Ka Gaysatay Gudaha Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni Oo Fariin U Diray Bulshada Gobolka Awdal.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More