Ismaciil Cumar Geele Oo Markii Shanaad Noqday Madaxwaynaha Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan sida ay ku warrameern Wariyeyaaol ku suga xarunta ugu weyn ee tirinta codadka ee magaalada Jabuuti.
Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Somaliland Oo Mamnuucday In La Beero Geed Ay Hore U Fasaxday

Mustafehaji

Maydadka Labo Qof Oo Laga Helay Duleedka Magalada Jowhar.

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg :- Wasiir Maxamed Kaahin Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay In Saylici Ka Tanaasulay Tartanka Hogaanka Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More