Puntland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Gudoomiye Cumar Finish

Madaxtooyada Puntland ayaa si kulul uga hadashay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ee ahaa in Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in la kala diro Hay’addaha dowladda Federaalka.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalkii Guddoomiye Cumar Finish kasoo yeeray, isagoona sheegay in hadalkaas uusan aheyd uu ku hadlo qof Mas’uul.
Afhayeen Dabaraani ayaa waxaa xusay in qodobka ay dalbadeen Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe uu ahaa in Ajendayaasha shirka soo socda lagu daro oo kaliya Awoodaha Hay’addaha dowladda Federaalka wakhtigu ka dhammaaday.

“Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntland & Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Si kastaba Dowladda Federaalka ayaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ku eedeysay in aysan rabin doorasho dalka ka dhacda, isla markaana ay shuruudo dhowr ah ku xireen ka qeyb galka shirarka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Emmanuel Macron Oo Ku Baaqay Wadahadllo Lagu Soo Afjaryo Colaadda Gobalka Tigray

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Salaada Ciidul Fidrida La Tukaday Qaar Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Muqdisho

Dowlada Kenya Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ku Dishay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More