Raysal Wasaare Rooble Oo Lagu Wareejiyay Amniga Doorashada Somaliya

Warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ay u dirtay Golaha Ammaan ka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay amniga doorashooynka iyo caqabadaha heysta.

Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobler lagu wareejiyay Amniga doorashooyinka kadib walaac ka yimid dhinacyo badan oo saameyn ku leh doorashada Soomaaliya.

“ Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka ayaa lagu yiri” Qraalka Wasaaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhowr jeer ayaa qoraalo isdaba-joog ah oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta waxaa ay dalbadeen in Amniga doorashada aan lagu aamini karin Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen in Ciidamada uu siyaasad u adeegsaday, iyaga oo dalbaday in lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

shacbka Oo Dhibane Unoqday Dilal Uga Imaanaya 3 Dhinac Iyo Masuuliyadii Amniga Oo La Isku Tuur Tuurayo

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Iyo Midowga Africa Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Madaxwaynaha Iyo Raysal Wasaaraha Mali

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Hinda Gaani Oo Ka Hadashay Furitaanka Xarunta Ururinta Raad-Reebka Taariikhda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More