Hogaamiyaha Dalka Jarmalka Angela Merkel oo ka hadashey Xiisada Ukraine Iyo Ruushka

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqdey in Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisadi ka qaraxdo gobolka Donbas.

Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii.

Xubnaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Suuqi Gubtay Ee Waahen oo Hawlgalo Laga Bilaabay

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarada Itoobiya Oo Duqaymo Ka Fuliyay Caasimada Gobolka Tigray

Bnnstaff Bnnstaff

“Maxakmada Sare Komishanka Doorashooyinku Wuxuu Maxakmadda u Dhiibay Warqadii Uu Dalku Ku Dumin Lahaa” Caaqil Cabdilaahi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More