Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Farriin U Diray Madaxweyne Geelle Oo La Doortay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayuu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas, isagoona helay Codad gaaraya 98.41% codadkii dadweynaha Jabuuti.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariifka ayaa Madaxweyne Geelle Alle uga baryay inuu la garab galo xilka culus ee shacabka Jabuuti u doorteen, isla markaana u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti walaalkeen Ismail Omar Guelleh oo markii shanaad loo doortay inuu sii hogaamiyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxaan leeyahay Allaha kula garab galo xilka culus ee shacbiga Jabuuti ay kuu doorteen, waxaana u rajeynayaa guud ahaan Jabuuti horumar iyo barwaaqo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Dhalinyaro Odayaal Iyo Aqoonyahano Mudo 10 Sano Ah Jimce Walba Socdaal Dheer Gala

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Madagaskar Andry Rajoelina Oo Ka Badbaaday Isku-Day Dil

Bnnstaff Bnnstaff

“Axmed Madoobe Iyo Mucaaridka Somaliyaba Waa Caruurtii Tigreyga” Siyaasi Faarax Maclin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More