Talaalka Cudurka Coronavirus Oo Maanta Markii Labaad La Keenayo Somaliya

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Axad ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo tallaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.

Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxiixay heshiis tallaal looga hortego Cudurka COVID-19 lagu keynayo dalka Soomaaliya.
Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19 la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa shaacisay in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka la keeni doono tallaalka Sinopharm oo ay soo saartay dowladda Shiinaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey loo keenay tallaalka looga hortego Cudurka COVID-19, isla markaana haatan ay qaadashadiisa ka socoto Caasimadda dalka iyo Magaalooyinka dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxdhameedka Gobolka Togdheer Oo Qaadacay Ganaaxa Ciyaartooyga Togdheer Iyo Afarta Maalmood Ee Diiwaan Galinta

Bnnstaff Bnnstaff

“Dimuqraadiyadda Aynu Sheeganayno Haddaynu Maalin Walba Faash La Dhacno Ayaan Daro Weeyaan…” Sucaad Carmiye

Bnnstaff Bnnstaff

In Ka Badan 20 Caruur Ah Oo Ku Geeriyooday Ka Dib Markii Uu Ku Qarxay Walax Qarax Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dhacdadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More