Maxay Tahay Sababta Raii’sul Wasaaraha UK Uga Qeyb-galeyn Aaska Amiir Philip?

Rai’sul wasaaraha dalka Britain ayaan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

“si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan xilli ay jiraan xannibaadaha feyriska Corona ” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha.

Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota.

30 qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.

Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka.

Amiir Philip ayaa waxay da’diisu ahay markii uu dhimanayay 99 sano jir

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

Maamus sharafeed ayaa loo sameeyay saddexdii qof ee ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa, oo ay ku jirtay Hooyada Boqoradda sanadkii 2002, markaas oo 200,000 oo qof ay muddo ka badan saddex maalmood saf ugu jireen inay xushmad u muujiyaan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Murashax Ciro Oo Ka Hadlay Dagaalka Laascaanod Eedeymo Kululna U Jeediyay Madaxwayne Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Oo u Digniin Culus U Diray Ruushka.

Bnnstaff Bnnstaff

Macalin Sheegay In Weerar Lagu Soo Qaaday lana Rabay In La Dilay Iyo Sobobta Oo Uu Sheegay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More