Xuutiyiinta Yeman Oo Duqeeyay Garoomo Diyaaradeed Oo Ku Yaala Gudaha Sucuudiga

Afhyeenka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Kolonel Yaxye Sariic ayaa sheegay inay saakayto Diyarado Daroonis oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyey ku weerareen 2 Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla gudaha dalkaasi.

Duqeynta 1-aad waxay uu xusay inay la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Dagaalka ee magaalladda Jisaan oo u dhow xuduudka Yemen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay weerar 2-aad ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee magaalladda Khamiis Mushayt oo ku taalla K/Galbeed ee Sacuudiga.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Duqeyntaasi u adeegsadeen 2 Diyaaradaha Darooniska ee noocoodu yahay QasIf 2.

Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta waxa kale oo uu tilmaamay inay Beegsigaasi kaga aar-goosanayaan Go’doominta ay Isbahaysiga Sacuudiga geliyeen dalkiisa Yemen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, mar sii horeysay waxay Isbahaysiga Scuudiga sheegeen inay Hawada ku burburiyeen Diyaarad Daroonis oo ay Kooxda Xuutiyiinta la maaganaayeen magaalladda Khamiis Mushayt oo ku taalla K/Galbeed ee dalkaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Masjid Ay Dhiseen Asxaabtii Nebiga NNKH Oo Dayactir Lagu Sameeynayo Ka Dib Burbur Ka Soo Gaadhay Dagaalkii Tigreyga

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Bulshada Rayidka Kala Hadlay Doorashada Madaxweynaha

Talaalka Cudurka Coronavirus Oo Maanta Markii Labaad La Keenayo Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More