Dalka Masar Oo Laga Helay Magaalo Dahab Ah oo Qadiimi Ah Iyo Qaabka Loo Helay

Soo helitaanka magaalo 3,000 sano jir ah oo ku dhex luntay ciida Masar ayaa lagu amaanay inay tahay mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee taarkheed ee la helay tan iyo markii qabriga Tutankhamun.

Khabiirka reer Masar ee caanka ah Zahi Hawass ayaa ku dhawaaqay daahfurka “magaaladana dahabiga ee luntay” ee u dhow Luxor Khamiistii.

Wuxuu sheegay in raadintaasi ay ahayd magaaladii ugu weyneyd ee qadiimiga ahayd, ee loo yaqaanay Aten, weligeednaaan laga soo helin dalka Masar.

Waxaa la soo saaray toddobaadyo gudahood markii la qoday tan iyo laga bilaabo Sebtember 2020.
Magaaladu waxay ku beegnayd xukunkii Amenhotep III, oo ka mid ahaa faraaciintii ugu xoogga badnaa dalka Masar, kaas oo xukumi jiray 1391 ilaa 1353 BC.

Magaalada waxaa sii waday in ay adeegsadaan Faraaciintii Ay iyo Tutankhamun, oo qabrigooda ku dhow laga helay Dooxada Boqortooyada oo uu ku taqasusay taariikhaha taariikhiga ah ee Ingiriiska Howard Carter sanadkii 1922.
Betsy Brian, oo ah borofisar ku takhasustay cilmiga Egptology ee jaamacadda Johns Hopkins University ee Baltimore, Mareykanka ayaa ayaa sheegtay”daahfurka magaaladan luntay waa daahfurka labaad ee ugu muhiimsan ee laga helay qabriga Tutankhamun.”

Waxay intaasi raacisay “Magaaladuwaxay na siineysaa aragti yar oo ku saabsan noloshii Masriyiintii hore” waqtigaas oo boqortooyadu ay ahayd mida ugu taajirsan.
Qoditaankan ayaa waxa uu daaha ka rogay tiro badan oo ah waxyaabihii qadiimiga ahaa ee la helay, sida dahabka, dhoobada midabbada leh, canbaarrada duqsada beenta ah iyo lebennada dhoobada leh ee lagu xidhayo Amenhotep III.

Kooxdu waxay ka bilaabeen qoditaanka daanta galbeed ee magaalada Luxor oo ah meel u dhow Dooxada Boqortooyada, qiyaastii 500 km (300 mayl) koonfurta caasimada Qaahira.

“Toddobaadyo gudahood, kooxda si layaab leh, waxay u soo saareen bulukeetiyo dhoobo ah oo laga arkay jihooyinka oo dhan,” Dr Hawass ayaa ku yiri bayaankiisa.

“Waxa ay daah fureen wuxuu ahaa goob magaalo weyn oo xaaladdeeda badbaadin ku wanaagsan, oo leh ku dhowaad derbiyo dhameystiran, iyo qolal ay ka buuxaan aaladihii nolol maalmeedka.”

Hadda, toddobo bilood ka dib markii ay qodistu bilaabantay, dhowr aag ama xaafado ayaa la helay, oo ay ku jiraan, deegaammo kale.

“Hawlgallo badan oo ajnabi ah ayaa ragaadiyay magaaladan waligoodna ma helin,” ayuu yiri Dr Hawass, wasiir hore oo ka mid ah waxyaabaha qadiimiga ah.

Waxa uu sheegay in ay sii socoto howsha qadiimiga ah kooxdiisuna ay “rajeyneyso in ay soo bandhigaan qabuuro lama taabtaan ah2.
Masar waxay dooneysaa inay horumariso hiddaheeda qadiimiga ah si ay dib ugu soo nooleyso waaxdeeda dalxiiska, ka dib sanado badan oo qalalaase siyaasadeed iyo carqalado uu sababay cudurka faafa ee coronavirus.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Masar waxay soo qaaday haraadiga saldanadihii hore ee dalkooda iyagoo soo marsiiyay Qaahira iyagoo soo maray hab socod taariikhi ah.

Daawashadii quruxda badneyd ayaa lagu arkay 18 boqor iyo afar boqoradood – oo laga soo daabulay Matxafka cusub ee Masaarida kaas oo masaafo 5 km u jira ki hore.

Amenhotep III iyo xaaskiisa Queen Tiye ayaa ka mid ahaa meydadka loo wareejiyay goobta nasashada cusub.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Turkiga Oo Soo Bandhigay Saanad Milatari Oo Cusub Iyo Mucluumaad Kale Oo Xiiso Leh

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Axmed Madoobe Oo Magaacabay Wasiiro Iyo Ku Xigeeno

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Kulan La Qaatay Safiir Tarsan Oo Ku Soo Laabtay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More