Diyaarad Sidda Tallaalkii Labaad Ee Cudurka COVID-19 Oo Soo Gaardhay Muqdisho

Diyaarad sida 200.000 oo Talaalka Covid-19 nuuca Sinopharm Vaccine oo ay dowladda China ugu deeqday Soomaaliya ayaa goordhow soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo masuuliyiin kale ayaa kala wareegay agabkaan safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.
Dhawaan Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Amb, Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hfaa’iideystaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Marnaba Maan Filayn In Wasiir Ka Tirsan Xukuumaddu Carqaladeynayo Goobta La Dejinayo Dadka Suuqu Ka Gubtay”Ganacsade Cumar Caydiid

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Pakistan Pervez Musharaf Oo Maanta Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

“Waa Nasiib Daro In Wali Aanay Shirka Ka Soo Qayb Galin Axmed Madoobe Iyo Deni ” Wasiir Dube

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More