Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Balcad Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday Bar koontarool oo ay ku leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka.

Rag hubeysan ayaa weerarka oo rasaas loo adeegsaday ku qaaday Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidanka oo ku yaalla gudaha degmada Balcad, waxaana ka la sheegay inuu ka dhashay khasaaro.

Dad ayaa ku warramay in xalay ay maqlayeen rasaas dhaceysay oo markii dambe istaagtay, waxaana weerarka ku geeriyooday laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku sugnaa koontaroolka la weeraray.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona ka sheegay inay halkaas ku dileen laba Askari.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in labada Askari ee la dilay ay ka qaateen 2 qori AK47 ah oo ay wateen, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxeysa maamulka Balcad oo ku aadan weerarkaas dhacay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona marar badan sheegtay Al-shabaabka inay la wareegeen degmadaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaro Ka dhashay Qaraxii Ka Dhacay Isgoyska Sayidka ee Muqdisho Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

lhaan Cumar oo Madaxwayne Trump Ku Eedaysay Dhimashada Aabaheed Iyo Arin Yaab Leh

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxda Daacish Oo War Ka Soo Saartay Xidhiidhka Ay Dalalka Imaaraadka Iyo Baxrayn La Sameeyeen Isreal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More