Taliyihii Ciidanka Haramacad Oo Loo Magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir

Warqad ka soo baxday Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, loona magacaabay Farxaan Maxamuud Qaaroole oo ah nin dhallinyaro ah.

Farxaan Qaaroole wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Haramacad oo u badan dhallinyaro.

Muddadii uu taliyaha u ahaa Haramacad, waxay fuliyeen howlgallo kala duwan. Midkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa dagaalkii Beledxaawo ay kula galeen ciidan uu hoggaaminayay cabdirashiid Janan oo hadda dowladda la heshiiyay.

Waxay horey uga howlgaleen Dhuusamareeb oo ay kula dagaallameen ciidamadii Ahlu Sunna. Sidoo kale waxay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho.

 

Xafiiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Musharax Daahir Geelle Oo Ka Hadlay Dadaallada Doorashooyinka Baaqna U Diray Shacabka Somaaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Waraysi Xiiso Badan:- Ex Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xaalada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More