Ra’iisul Wasaaraha Xil-Gaarsiinta Oo Gaadhay Degmada Awdheegle Ujeedka Socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa duhurnimadii Maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare ku tegay degmada Awdheegle ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Ujeedka Rooble ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa Munaasabadda Ciidamada Xoogga dalka oo u dabaal degaya Sanadguurooda 61-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada 12 April 1960-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Ciidamada ku boggaadiyay guushii maalmo kahor ka gaareen weeraradii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire iyo Awdheeglle, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Al-shabaabn ayaa dhawaan weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhigyada Ciidamada ay ku leeyihiin Bariire iyo Awdheeglle, waxaana weerarka Ciidanka dowladda looga dilay in ka badan 20 Askari, halka shabaabka uga dhinteen Askar farabadan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Salaadiinta Meel Uga Banaani Ma Jirto Dhex-Dhexaadin” Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ka Qarxay Galguduud

Bnnstaff Bnnstaff

Meydka Mwai Kibaki Oo Lasoo Bandhigayo Iyo Baroor- Diiq Ka Socota Xarunta Baarlamaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More