Borama News Network

Maxkamadeyntii Donald Trump Oo Dhib Loo Dhigay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Garsoore heer federaal ah oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa si aan la cayimin dib ugu dhigay maxkamadeynta Donald Trump oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu baabi’iyo natiijada doorashadii 2020-kii.

Kiiska ayaa loo qorsheeyay inuu bilowdo bisha soo socota.

Dib u dhaca ayaa ka dhashay racfaan ay qareenada Mr. Trump ka dalbadeen in uu ka badbaado dacwad oogayaasha maadaama uu xiligaas ahaa madaxweyne fadhiyey.

Waa mid ka mid ah kiisas dambiyeedyo badan oo uu wajahayo Mr Trump, kaasoo weli ah musharraxa ugu cadcad in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada Mareykanka ee sanadkan.

Toddobaadkii hore Mr Trump ayaa lagu xukumay inuu bixiyo in ka badan siddeetan milyan oo doollar oo magdhow ah si uu u siiyo qoraa E. Jean Carroll oo uu aflagaado u geystay xilli uu qudbad ka jeediyay Aqalka Cad.

Related posts

Wariye Samafale Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Caabadwaaq Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaas

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Kenya oo dalal kale oo Afrikaan ah ka dhaaftay khidmada dalkugalka bilaashka ah

Abdiaziz Bnnstaff

Sidee Ayay Shacabka Puntland U Arkaan In Ay Ka Baxdo SSC Khaatumo

Abdiaziz Bnnstaff