Maamulada Puntland Iyo Jubbaland Oo Cadeeyay Mowqifkooda Go’aankii Golaha Shacabka

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa siwyen uga soo horjeestay Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay muddo kordhin ugu sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Ferderaalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Golaha Shacabka e muddo kordhinta ah uu yahay mid aan sharci ku dhisneyn, isla markaana sababi karta dib u dhac.

“Jubaland waxay cadaynaysaa wixii ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka ayaa lagu yiri” qoraalka Jubbaland.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Dowlad Goboleedka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka dhacay inqilaab lamid ah kii uu talada dalka kula wareegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in waxa ka socda Magalada Muqdisho in Puntland aysan raali ka noqoneyn oo uu sheegay in uu yahay xukun boob lagu qaato, waxaana uu sheegay in Go’aankii Golaha Shacbaka uu yahay mid shari darro ah.

Warkan kasoo baxay Maamulada Puntland & Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesten go’aankii muddo kordhinta ahaa ee Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Ku Howlan Sidii Dalka Ukraine Uga Soo Daad Gurayn Lahayd Dadka Somalida Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Xadhiga Wariye Coldoon Sheegayna In Xadhigaasi Waji Kale Yeeshay

Bnnstaff Bnnstaff

Raila Odinga Oo Ballan Qaaday In Uu Dib Furi Doono Xadka Kenya Iyo Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More