Qaramada Midoobay Oo Fariin U Dirtay Shacabka Somaliyeed

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed u diray hanbalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Md. Swan.

“Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed.

Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim, Soon wanaagsan”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qareen Ingiriis Ah Oo Loo Doortay Dacwad Oogaha Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICC

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Ciidamadiisa Afar Jiho Ka Dhigay Dalka Yukrayn Iyo Xiisada Oo Cirka Isku Shareertay

Bnnstaff Bnnstaff

Qowmiyada Amxaarada Oo Digniin Culus U Dirtay Mucaaridka Tigrayga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More