Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Bada

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Is-rasaaseeyn maalin kahor dhexmartay Ciidanka Ilaalada xeebaha Galmudug iyo Ciidan la socday Markab waday kalluumeysi sharci darro ah, taasi oo ka dhacday xeebta Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Ilaalada xeebaha Maamulka ay rasaas kusoo fureen Ciidan la socday doon weyn oo si sharci darro ah uga kalluumaysaneysay inta u dhexeeysa Hobyo iyo Ceelhuur.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidanka Maamulka la rasaaseeyay, iyaga oo waday howlgal ka dhan ah kalluumeysiga sharci darrada ah, isla markaana falkaas uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.
Galmudug ayaa xaqiijisay in Sarkaal iyo Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha Maamulkooda ay ku dhaawacmeen rasaasta ay kusoo fureen Ilaalada la socday doonta, waxaana la sheegay in markii hore Ciidanka Galmudug ay isku dayeen inay qabtaan doonta, balse ay la kulmeen iska caabin xoogan

Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha badda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin:- Magaalada Somaliya Ku Taala Oo Qarka U Saaran In Ay Gabi Ahaanba Aasanto

Bnnstaff Bnnstaff

Hooyo Lagu Xujeeyay in ay Diinta Islaamka Ka Baxdo Si Gabadh Ay Dhashay Dhakhtar Loogu Geeyo

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Galmudug Oo Soo Qabtay Markab Si Sharci Daro Ah Uga Kaluumaysanayay Bada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More