Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti waxay sheegeen in tirada ku dhintay doonta ku qalibantay xeebaha dalkaas ay gaartay 39 qof halka lasoo baadbaadiyay 12 qof.
Ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti iyo shaqaale ka tirsan hay’adda IOM ayaa wadaa howlaha lagu baadigoobayo muhaajiriinta.
Sida ay mas’uuliyiinta sheegeen, doonta waxaa saarnaa ku dhawaad 80 qof oo muhaajiriin ah oo kasoo jeedo dalka Yemen.
Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ay saarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM.
Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oomuhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM.
Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho.
Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka.
Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BorammaNews.com