Madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubbaland Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay Maanta Xarunta Xerada Xalane waxaa ay kulan kula yeesheen Wakiilada ka socda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Wakiilada, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Safiirada Mareykanka Ingiriiska ayaa Madaxweynayaasha Puntlanad & Jubbaland waxaa ay kala hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga loo sameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni & Axmed Madoobe ay Wakiilada Beesha Caalamka u jeediyeen in ay go’aan ka qaataan xalada dalka, isla markaana la badbaadiyo dalka.

Intaasi kadib Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in ay u dhoofeen degaannadooda, waxaana Madaweynaha Jubbaland uu muqdisho yimid 9-kii Bishii Maarso halka Madaxweynaha Puntland uu yimid 13kii Maarso.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Iyo Safiirka Mareykanka Oo Heshiis Is-Afgarad Ah Gaadhay

Bnnstaff Bnnstaff

Baarlamaanka Dalka Denmark Oo Ansixiyay Sharci Lagu Masaafurinayo Dad Magangalyo Doon Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Uk U Qaabilsan Africa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More