Cabduweli Gaas” Shabaab Ayaa Fadhiya Afgooye Iyo Balcad Ma Dhici Karto Doorasho Qof Iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo nqoday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Go’aankii muddo kordhinta ahaa oo ay gaareen Golaha Shacabka iyo xaaladaha siyaasadeed ee xilligaan Soomaaliya.

Cabduweli Gaas waxaa uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid qaldan oo sharci darro ah, isla markaana Golaha Shacabka, iyaga waqtigooda uu dhamaaday, isla markaana aysan sameyn karin wax muddo kordhin ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Cabduweli Gaas oo Wareysi siiyay Tv-ga Somali Cable in Go’aanka Baarlamaanka ay gaareen uu yahay mid dalka oo dhan saameeynaya, isla markaana burburinaya dowladninada jirta, sidoo kalena saameyn kara dhinaca amniga.

“ Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qaldan kusoo aaday waayo Baarlamaanka,isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameeynaya oo amniga saameeynaya, wax la aqbali karana maahan ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Waxaa uu ku eedeeyay Xildhibaannada golaha Shacabka ay hal dhinac u hiiliyeen, halkii ay aheyd inay dhex-dhexaad noqdaan oo ay qaataan doorkooda xaaladaha kajira Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo nqoday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu sheegay in mudada labada sanada ah aan dalka doorasho qof & Cod ah ka dhici karin, welina Al-Shabaab ay joogaan, Balcad & Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo nqoday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ay weji kale yeelatay, kadib markii Xildhibaannada Golaha Shacabka Isniintii todobaadkaan ay muddo labo sano ah ay u kordhiyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Dawladdnimada Somaliland Oo Taabagasha Hiilbay u Tahay Umadda Soomaaliyeed Oo Dhan” Axmed Yaasin Sh.Cali Ayaanle

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Pakistan Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuq Yuhuuddu Ku Hayso Shacab Falastiin

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Dad Badan Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Dalka Congo Iyo Tirada Dadlka La Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More