Weerar Lagu Qaaday Garoon Ciidamada Mareykanka Ku Leeyihiin Gudaha Dalka Ciraaq

Saraakiil Maraykan ayaa xaqiijiyey in Diyaarad Daroon oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa in lala beegsaday Garoonka Caalaamiga ee magaalladda Erbil ee Gobalka Kurdistan ee Waqooyiga Iraq.

Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka, Colonel Wayne Marotto ayaa sheegay in Ugu yaraan hal qarax oo weyn laga maqlay Garoonkaasi.

“Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ku soo degtay Bakhaarka Hangarka ee Saldhiga Cirka ee Erbil, dab ayaana ka kacay, kaasi oo aan wax dhaawac ah geysanin” ayuu yiri Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka.

Dowlad Gobaleedka Kurdistan waxay iyagana xaqiijiyeenin Diyaarad Droon hubeysan lala beegsaday Bakhaar ku yaalla Saldhig ay Isbahaysiga Marykanka adeegsadaan.

Qoraal uu Madaxweynaha Dowlad-gobaleedkasi, Nejrivan Barzani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu cambaareeyey weerarkaasi, isagoo xusay in la beegsaday Garoonka iyo Saldhiga Milliteriga ee Bashiqa ee Waqooyiga Iraq.

Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in iyadoo la kaashanayo Isbahaysiga Caalamka weerar lagu qaado kooxaha ka dambeeya Weerarada Noocaasi oo kale ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shirkii Dhuusamareeb Oo Waji Cusub Yeeshay Iyo Axmed Modoobe Iyo Deni Oo Qorsho Cusub La Soo Baxay

Bnnstaff Bnnstaff

Daraasad Lagu Sheegay In Ay Somaliya Bil Gudiheed Covid 19 Ugu Geeriyoodeen Dad Gaadhay 3200 Oo Qof

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Ragii Ku Eedaysnaa Kufsigii Xarunta Agoomaha Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More