Madaxda Dowladaha Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada-Hadlay Muranka Biyo Xidheenka Itoobiya Iyo Deganaanshaha Geeska Africa

Madaxweynaha Masar, C/Fatax El-sisi waxaa xalay Khadka Telefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xiriirka labadooda dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Madaxweyne El-sisi waxa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan dadka Reer Jabuuti.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen baahida loo qabo xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xireenka Ethiopia ee GERD, si looga baaqsado saamaynta xun ama taban (Negative Impact) ee wax u dhimaya Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha.

Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay baahida loo qabo in Heshiis dhamaystiran oo sharciyeysan laga gaaro Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia (GERD).
Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudan iyo Ethiopia ee ku aadan Biyo-xireenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Sudan ku eedeeyaan Dowladda Ethiopia fashilka Kulamadaasi.
Ethiopia waxay kaloo sheegtay inay buuxinta Biyaha ee Biyo-xireenka dhamaystiri doonaan bisha July haddii Heshiis la gaaro iyo haddii kaleba.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ku dhawaad 100 Qof Oo Lagu Laayay Banaanbax Lagaga Soo Horjeeday Madaxweyne Alpha Conde

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Gabdhaha Xidhan Soo Daa Oo Kuwii Calanka U Dhiibay Soo Xidh” Sheekh Saaweer

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Soo Horjeestay Xilka Qaadista Wasiirka Amniga Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More