Xaalada Magaalada Muqdisho Oo Caawa Kacsan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Waxaa Magaalada Muqdisho caawa ka jira xaalad kacsanaan ah, waxaana la isla dhex-marayaa warar ka duwan oo sheegay in ay macquul tahay in dagaal uu caawa ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Shiirkole ee Degmada Hodan.
wararku waxaa ay tilmaamayaan in la dareemayo saan-saan dagaal kadib markii Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu dib ugu laabtay xaafadda Shiirkoole oo habeenno ka hor wadahadal looga soo waday, kadib markii Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha galmudug ay kuqanciyeen in uu isago soo baxo Shiirkole oo Ciidan isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin.
sidoo kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in halka uu muqdisho kaga sugnaa Saadaq Joon ay Dowladdu Ciidamo farabadan gaysay taasi oo keentay in uu isaga soo baxo dibna uu ugu laabto Shiirkole oo haray laaga waday.
dhanka kale waxaa waxaa la helayaa warar sheegaya in Dowladdu ay Ciidan gaysay aga-gaarka Shiirkole, kuwaasi oo ay Macquul tahay degaal uu dhex-maro iyaga iyo Ciidanka ku sugan Shiirkole.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlaanka Dowladda federaalka ayaa sidoo kale ku sugan Shiirkole, kuwaasi ay ka mid yihiin Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shirkole oo uu caawa fiidkii dib ugu laabtay Jeneraalka., waxaana ila iyo hadda xaaladda Muqdisho ay tahay mid kacsan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Booliska Dalka Maraykanka Oo 60 Xabadood Ku Riday Nin Madaw Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Iskaashiga Dalalka Islaamka

Bnnstaff Bnnstaff

Rooble Iyo Safiir Larry Andre Oo Kormeeray Goobta Lagu Qabanayo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More