Maamulka Gobolka Banaanir Oo Ka Hadlay Dilka Gudoomiyihii Xamar Jajab Oo Xalay La Dilay

Maamulka Gobolka ayaa ka hadlay dilkii xalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Guddoomiyihii degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir Marxuum Dr. Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle).

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo Qoraaal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Qoyska, qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xeyle.

Saalax Dheere ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiyihii degmada Xamar-jajab ee la dilay uu kamid ahaa Aqoonyahanka Naftooda iyo qaqtigooda u huray in ay Shacabkooda u shaqeeyaan, kaasi oo xalay la toogtay.
Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka Banaadir ee uu ka baxay Marxuumka. Waxaana Allaha ugu baryayaa in uu jannada Firdows ka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna eebe naga wada siiyo” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Kooxo hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ayaa xalay Gudoomiyihii degmada Xamar-jajab Maxamed Cabdi Axmed ku dilay, xili uu ku sugnaa deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho, iyagoona goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka Marxumka, waxaana xilka degmada uu haayay muddo kooban.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Arimaha Dibada Israel oo Ka Degay Dalka Baxrayn Iyo Fah faahin Ka Soo baxaysa Safarkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Abiy Ahmed Oo Ku Dhawaaqay Inuu Dhammaaday Dagaalka Gobolka Tigray

Mustafehaji

Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Turkiga Iyo Sweden Oo Goob Fagaare Ah Isku Weeraray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More