Shabaab Ku Dhaawacmay Qarax Ay Ku Aasayeen Gobolka NFD Ee Soomaliya

Wararka naga soo gaaraya Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax khasaare nafeed dhaliyay.

Qaraxa ayaa ku dhintay Saddex ruux, halka Afar ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la sheegay in ay dhulka rabeen in ay ku aasaan.

Laamaha Ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in kuwa dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba ay ahaayeen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo qaraxa oo noociisu ahaa miino, dhulka ku aasayay.

Afarta dagaalame ee qaraxaas ku dhaawacmay ayay sheegeen Laamaha Ammaanka dalka Kenya,in ay goobta ka qaadeen xubno kale oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Majirin khasaare kale oo soo gaaray dadka deegaanka gaar ahaan kuwii ka agdhawaa goobta qaraxu maanta ka dhacay, oo ay sheegtay dawlada Kenya.

Dagaalamayaasha Al-Shabaabna kama aysan hadlin qaraxa maanta ka dhacay Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Related posts

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaalada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Xuutiyiinta Yeman Oo Shaaciyay In Ay Duqeeyeen Goobo Muhiim Ah Oo Ku Yaalada Magaalada Riyaad Ee Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Musharax Xildhibaan Maryan Sheekh Daahir Geelle Oo Laba Xafiis Ka Furtay Xaafada Sitee Xadi Ee Galbeedka Borama

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More