Sheekh Shariif Oo La Kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Faah Faahin Laga Helay

Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka oo ka dhacay Hoysga Sheekh Shariiif ayaa ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen, waxaa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee xilligaan ka taagan dalka.

Wararka laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in siwyen looga hadlay dooda ka dhalatay muddo kororsiga, isla markaana Sheekh Shariif uu ka dalbaday taliyaha xoogga in aan Ciidamada loo adeegsan dano gaar ah oo siyaasadeed.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu arrimo siyaasadeed u adeegsaday Ciidamada, isla markaana uu ku weeraray dadka ka aragtida duwan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dood ku saabsan Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka, kaas oo sii kala fogeeyay siyaasiyiinta markii hore isku haayay arrimaha qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Shariif Oo sheegay In Aan Waqti Kororsi Laga Aqbali Doonin Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Xaaladda Dhaqaale Iyo Midda Amni Ee Dalka Suudaan Oo Meel Xun Maraysa

Bnnstaff Bnnstaff

Shir Madaxeedka Midowga Afrika Oo Ka Furmay Addis Ababa Iyo Qodobada Lagaga Hadlaayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More