Borama News Network

Dab Ka Kacay Kaymo Ku Yaala Jili Oo Ay Ku Dhinteen 51 Qof Iyo Xogigii Ugu Dambeeyay Ee Dabkaasi

Dab ka kacay kaymo ku yaala bartamaha dalka ku yaala Laatin Ameerika ee Jili ayaa waxa ku dhintay 51 qof, iyadoo ay kordhi karto tirada dhishamada sida laga soo xigtay masuuliyiinta wadankaasi Sabtidii.

Dabka ayaa laga baqayaa in uu ku fido magaalooyin ku dhawdhaw dhulka kaymaha ah ee gubanaya, waxayna kooxaha dambka damiya ku dadaalayaan in la xakameeyo si looga baaqsado in uu gaaro magaalooyinka.

Qiiq madow ayaa hawada isku shareerray qaybo badan oo kamid ah gobolka Falbaraasiyo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof kaas oo ku yaala bartamaha Jili.

Goobbaha ku xeeran magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee Fina Del Mar ayaa kamid ah meelaha sida ba’an u saameeyay dabku, waxana dadka wax samatabixiya ku adag in ay gaaraan goobbaha ugu daran, sida ay sheegayaan masuuliyiinta Jili.

Tirada dhimasha ayaa kor u kacday kaddib markii 5 mayd laga helay wadada, waxayna warbixinadu muujinayaan “Waxaan gaari doonaa tiro intaas ka badan” saacadaha soo socda, sidaas waxa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jili Karolina Taha.

“Xaaladda gobolka Falbaraasiyo waa tan ugu nugul,” ayuu yiri Taha, wuxuna intaa ku daray in wadanku wajahayo musiibadii ugu xumeyd tan iyo 2010-kii markaas oo dhulgariir ku dhuftay Jili ay ku dhinteen 500 oo qof.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Ay Dowlada Somaliya La Gashay Dowlada Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Wasiir Hore Axmed Muumin Seed

Abdiaziz Bnnstaff

38 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay dooni kula qalibantay meel kuu dhow xeebaha Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff