Borama News Network

Lataliyaha Amniga Qaranka Ee Mareykanka oo ka digaya ‘tallaabooyin dheeri ah’ oo laga sameynayo Bariga Dhexe

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in ay jiri doonaan tillaabooyin dheeri ah oo ay ka bixin doonaan jawaabta Mareykanka uu ka bixinayo weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Urdun ay ku dileen saddex askari Axadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale duqeymo cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen dowladda UK oo lagu beegsaday fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geystay bartilmaameedyo ay Iran taageerto oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Mareykanka, Sullivan wuxuu yiri “Wixii dhacay Jimcihii wuxuu ahaa bilowgii, ma ahan dhammaadka, jawaabteena, waxaana jiri doona tillaabooyin badan – qaar ayaa la arkay, qaar laga yaabee inaan la arkin. “Kuma tilmaami doono inay tahay olole ciidan oo furan.”

Related posts

Biden Iyo Netanyahu oo kawada hadlay qorshaha dagaalka Yuhuudda ee Rafax

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Somaliya Oo Ilaalinta Iyo Difaaca Bada Somaliyeed Ku Wareejisay Dowlada Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff

Geerida Madaxwaynihii Iyo Wasiirkii Arimaha Dibada Iran Oo La Xaqiijiyay

Abdiaziz Bnnstaff