Guddiga Lagu Muransanaa Ee doorashooyinka Somaliya Oo La Kala Diray

Dowladda Soomaaliya ayaa kala dirtay Guddiga magu muransanaa ee doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, kaas oo laga kala keenay dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka, kulankaas oo ahaa midkii ugu dambeeyay ee macsalaameynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa uga mahadceliyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.

Guddiga lagu muransanaa ee doorashooyinka ayaan wax Shaqo ah qaban tan iyo markii la magacaabay, waxaana Guddiga kasoo horjeestay Midowga Musharixiinta iyo inta badan Xubnaha mucaaradka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Midawga Murashaxiinta Mucaaridka Somaliya Oo Qaadanaya Go’aan Ka Dhan Ah Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Hanti Intee La’eg Ayuu Haystaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan?

Bnnstaff Bnnstaff

“Salaadiinta Meel Uga Banaani Ma Jirto Dhex-Dhexaadin” Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More